Akhriso:-khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay degmada Kaaraan

Dagaal kooban ayaa agagaarka xarunta maamulka degmada Kaaraan waxaa uu ku dhex-maray Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya & Ciidamo kamid ah kuwa ka Shaqeeya Booliska degmadaas.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada kaaraan ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamo ka amar qaata Saraakiil ka tirsan millateriga ay weerar kusoo qaadeen Ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa Isgoyska Jiirada oo ah halka ay ku taalla xarunta degmada, isla markaana halkaasi uu ka dhacay dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Inta la xaqiijiyay dagaalka ayaa waxaa ku dhintay Saddex askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska, kuwaas oo kamid ahaa Ciidamada Booliska ee ka howlgalla degmada Kaaraan.

Wararka qaar ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu salka ku haayo qul qulatooyin maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa degmada Kaaraan oo dhawaan ay ku dagaalameen Ciidamo ay kala hoggaaminayeen Saraakiil ka kala tirsan Millateriga iyo Ciidamada Minashiibiyada ee dowladda Hoose.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo garaaya  degmada Kaaraan ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan, isla markaana Ciidamadii ka tirsanaa Millateriga ay goobta dagaalka uu ka dhacay ay ka tageen, iyaga oo horay u sii qaatay hubkii ay wateen Ciidamada Booliska ee dagaalka ku dhintay.