Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay in Ciidanka dowladda dhibaato ku hayaan Gedo

Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyey shirka Golaha Xukuumada Jubaland kaas oo maanta ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Jubaland.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn Golaha Wasiiradda Warbixin ka siiyay xaalada siyaasadda Dalka Arimaha Amniga iyo Dowladaha Hoose oo dhawaan dhismahooda laga bilaabay Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose taas oo laga hirgalin doono dhamaan deegaanada Jubaland.

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ku dheeraaday xaalada siyaasada Dalka gaar ahaan arimaha doorashooyinka ee inagu soo fooda leh.

Waxa uu sheegay in Jubaland ay fulinayso heshiisyadii lasoo galay iyadoo ay mudnaanta leedahay in loo madax banaaneeyo Gudiga doorashada Jubbaland si waafaqsan heshiiskii ay Madaxda DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ahi ay ku saxiixeen Magaalada Muqdisho inay si siman Doorashada uga qabtaan labada goobood ee loo asteeyay.

Gobolka Gedo ayuu sheegay Madaxweynaha in dhibaato weyn ay ku hayaan Ciidamada ay geeysay Dowlada Faderaalka ah kuwaas oo gabi ahaanba xasiloonidii iyo nabadii ka jirtey deegaanka u badaley qalalaaso iyo boobka hantida shacabka.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Ayaa Wasaarada arrimaha gudaha ku bogaadiyey yagleelida Maamulka Degmada Afmadow kaas oo ay shacabku soo doorteen hogaanka degmada taas oo bilow fiican u ah dhismaha Dowladaha hoose ee degmooyinka Jubbaland.