Dowladda Soomaaaliya oo ku baaqday joojinta Colaadaha ka taagan Matabaan

Wasiirka Wasaarrada Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, General Mukhtaar Xusseen Afrax iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa u ambabaxay deegaannada ay colaaduhu ka jiraan Gobolka Hiiraan ee Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle.

Wafdiga Wasiirka ayaa ku hormaraya Magaaladda Beledweyn si ay uga sii gudbaan deegaanka Nagaarta Ee hoos tago Degamada Matabaan si uu uga qayb qaato joojinta colaadda halkaas ka taagaan wasiirka ayaa ku baaqay in si-sharuud la’aan ah lagu joojiyo dagaalka u dhexeeya beelaha walaalaha ah ee ka socdo deegaanno hoos yimaada degmada Matabaan , Gobolka Hiiraan ee maamulka Hir-Shabeelle.

Waxa uu ugu baaqay odayaasha iyo dhinacyada ku diriraya deegaankaas in ay la shaqeeyaan ciidamada Dowlada ee gaaray Halkaas si ay ugu fududaato joojinta dhiiga daadanaya.

Wasiirka ayaa inta uu ku jiro socdaalka nabaddoonimo waxa uu sidoo kale tegayaa deeganada hoose tago Degmada Beledweyne si uu uga qeyb qaato dadaallada lagu xoojinayo Nabadda, iyo is dhex galka Bulshada.