Baarlamaanka Puntland oo xasaanada ka qaaday 8 Mudane

Xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta kulan aan caadi aheyn waxaa ay ku yeesheen Xaruntooda ee Magaalada Garoowe, waxaana la sheegay in xasaanada kala laabteen 8 Xildhibaan.

Kulanka Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa horyimid Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland, isaga oo xildhibaannada ka hor akhriyay eedeymo ka dhan ah 8 Xildhibaano, kuwaas oo ay kamid yihiin falal lid ku ah anshaxa iyo xeerarka gollaha ,sida  in ay iska hor keeneen gollaha dhexdiisa,maleegitaanka siyaasado gurracan oo ay soo maleegayeen gacmo shisheeye oo ka baxsan Puntland iyo Eedeymo kale.

Intaas kadib Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa cod u qaaday xasaanad kala noqoshada Xildhibaannada, waxaana la sheegay in  35 Mudane ay gacanta u taageen in xilka laga xayuubiyo oo kalsoonida lagala noqdo,saddex Mudane ay diideen halka hal Xildhibaana uu ka aamusay shaqo ka ceyrinta Xildhibaanadaas.

Xildhibaannada xasaanada lagala noqday ayaa waxaa ay kala Magacyadooda

  1. Xildhinaan Cabdijamal Cismaan

 2 .Xildhibaan Cabdiqani Surato

  1. Xildhibaan Muuse Jajabsay
  2. Xildhibaan Baduugaaye
  3. Xildhibaan Maxamuud Maxamed Barre
  4. Xildhibaan Saleeban Faarax.
  5. Xildhibaan Cabdiraxman Dhoore
  6. Xildhibaan Maxamud Axmed Caalim.

Ka hor kulanka Baarlamaanka ee xil ka xayuubinta xildhibaannada waxaa la sheegay in uu fashilmay dadaalo xal raadin ah oo ay wadeen guddiyo ka tirsan Baarlamaanka kuwaas oo xal u waayay eedeymaha loo haystay Xildhibaannada xasaanada lagala noqday.