Guddoomiyaha G/Hiiraan oo eedeyn & digniin u diray Ciidamada liyuu Boolis

Guddoomiyaha  Maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa eedeyn kulul waxaa uu u jeediyay Ciidamada liyuu Boolis ee dowlad degaanka Soomaalida, waxaana uu sheegay in ay maalin walba dhibaato u geystaan Shacabka reer Hiiraan.

Guddoomiye Jeyte oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Beledweyne ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada liyuu Boolis ay kusoo xad-gudbaan degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan  ,isla markaana ka maamul ahaan aysan indha ka qabsan doonin.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada liyuu Boolis ay wadaan saan saan colaadeed, waxaana uu ugu baaqay Madaxda Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya inay waxka qabtaan dhibaatada ay Ciidamada ku hayaan dadka Shacabka ah.

Hadalkaan ayaa Gudoomiyaha  Maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan waxaa uu ka sheegay kulan lagu soo dhaweynayay Mashruuca Biya xireenka Wabiga Shabeelle ee Beledweyne oo ay bixineyso Dowladda Talyaaniga Xukuumadda Soomaliyana ay dhawaan saxiiday.