Puntland oo hirgalisay xaruntii Saddexaad ee Covid 19 lagu baarayo

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo kaa shanaysa Wold Vision ayaa maanta magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ka furtay shaybaarkii saddexaad ee Puntland lagu baarayo caabuqa Covid19.

Daahfurka maanta waxaa ka qaybgalay wasiirkuxigeenka wasaaradda Abdinaasir Yusuf Xaaji oo uu weheliyo agaasimaha guud Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan oo shalay safar shaqo ku tagay magaalada Galkacyo.

Shaybaarka maanta laga daahfuray magaalada Galkacyo ayaa noqonaya kii saddexaad oo lagu baari doono Covid19, wasaaaradda ayaa horay labo shaybaar hirgalisay  magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso.

Shaybaarkaan ayaa loogu talagalay in lagu baaro dadka dagan gobolka Mudug iyo deegaanada ku dhaw.

Agaasimaha Guud Dr Abdirisaaq iyo wasiirkuxigeenka Abdinaasir oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka shaybaarka ayaa hoosta ka xariiqay in shaybaarkaan loogu talagay sidii looga jawaabi lahaa baahiyaha dadka deegaanka ku nool ayna ugu fududaan lahayd in dhakhso ay uhelaan jawaabtooda dadka iskaga shakiya xanuunka.

Wasiirkuxigeenka wasaaradda ayaa sidoo kale uga mahadceliyay hay’adda World Vision inay kala qaybqaadatay helitaanka shaybaarkan.

Wasaaradda ayaa culayska saartay tan iyo markii xanuunka uu soo gaaray soomaliya sidii looga haqabtiri lahaa bulshada Puntland helitaanka shaybaarada lagu baaro xanuunka aduunka saameeyay ee Covid19.