Labo Xiddig Oo Magac Weyn Leh Oo Ka Kala Tagay Arsenal & Chelsea Iyo Kooxaha Ay Ku Biireen Oo La Xaqiijiyay

Xiddiga khadka dhexe ee Arsenal Mateo Guendouzi ayaa ka tagay kooxda Gunners isagoo heshiis amaah ah ugu wareegay kooxda Bundesliga ka ciyaarta ee Hertha Berlin.

Guendouzi oo boos ka waayay tababare Mikel Arteta tan iyo dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore ayaa haatan ka ciyaari doona horyaalka Jarmalka.

Xiddigaan ayaa dabeecad xumo darteed looga saaray kooxda Arsenal iyadoo la filayay in la iibin doono xagaagan laakiin Gunners ayaa ku guuleysatay inay mushaharkiisa meel isaga yeesho.

Dhanka kale kooxda Chelsea ayaa amaah kale ku fasaxday xiddiga khadka dhexe Bakayoko kaasoo heshiis amaah hal xilli ciyaareed ah ugu wareegay kooxda Talyaaniga ee Napoli.

Bakayoko oo 40 milyan ginni ugu soo wareegay Chelsea sannadkii 2017 ayaa amaah ku maqnaa seddexdii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay. Wuxuuna haatan ku laabanayaa horyaalka Serie A.

Xilli ciyaareedkii 2018-19 ayuu amaah ku joogay AC Milan isagoo ka hoos ciyaarayay tababare Gennaro Gattuso kaasoo uu haatan kula midoobayo kooxda Napoli.