Dagaal ka dhacay Shabeellaha Dhexe & Khasaaro ka dhashay

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomalaiya iyo Al-Shabaab Maanta ku dhexd-maray degaan duleeka ka ah degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii Ciidamada Dowladda oo dhaq dhaqaaqyo ka wada Aaga degaanka Basra oo Galbeed kaga beegan degmada Balcad ay weerareen Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal muddo kooban socday.

Dad ku sugan degmada Balcad ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kale uu hakad galay isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

Sidoo kale dadka degmada Balcad ayaa waxaa ay sheegeen in saaka waberigii hore hawada laga saaray Isgaarsiinta Magaalada, isla markaana Ciidamada Dowladda oo watay Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ay aadeen dhinaca  Tuulada Basra oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalkii ka dhaca Aaga Tuulada Basra ay Ciidamada Dowladda uga gubeen Gaari nooca Soomalaida u taqaano Cabdi Bilaha, kadib markii ay weerar jidgal ah ku sameeyeen Ciidamada.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Shabeellaha Dhexe & Maamulka degmada Balcad weli kama hadlin dagaalka Maanta Ciidamada Dowladda & Al-Shababa ku dhex-maray Tuulada Basra ee duleedka degmada Balcad.