Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar maxmuud Maxmed (Cumar filish) ayaa shir Gudoomiyay shirka Totobaadlaha ah ee Degmooyinka Gobalka Banaadir.
Tobobaadkaan waxaa shirka Diirada Lagu saaray arimaha Amniga Nadaafadda iyo Tacadiyada ka dhacay Magaalada Muqdisho oo ay kamid yihiin kufsiga.
Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu bilaabi doono howlgal ka dhan ah waxyaabaha maanka dooriya.
Waxaa uu sheegay in dadka isticmaala maandooriyaha ay ka qeyb qaataan falalka amni darrao ee ka dhaca Magaalada Muqdisho iyo falal kufsi ah oo todobaadyadii la soo djaafay ka dhacay Magaalada Muqdisho.



