Koox tahriibayaal ah oo uu soo badbaadiyay markab laga leeyahay dalka Denmark oo ku sugnaa badda Mediterranean-ka ayaa loo ogolaaday inay ku degaan dalka Talyaaniga kadib in ka badan 40 maalmood oo ay badda ku jireen.
27-ka qof – oo ay ku jirto haweeney uur leh – waxay ka amba baxeen Liibiya 2-dii bishii Ogosto.
Markabkii Maersk Etienne ee Dheenishka ahaa ayaa soo qaaday waxyar kadib markii markabkoodii uu bilaabay inuu quuso.
Laakiin markabkan ayaa loo diiday ogolaansho ah inuu ku xidho waddan kasta muddo bil ka badan. Muhaajiriintan ayaa se ugu dambeyntii ka degay Sicily habeenkii Sabtida.
Jimcihii kooxda waxaa loo wareejiyay markab samatabixin ah oo ay maamusho NGO-ga Badbaadinta ee lagu magacaabo Mediterranea Saving Humans. Waxaana la keenay dekedda Pozzallo.
“Tani waxay soo afjaraysa istaaagitaankii iyo baajintii ugu dheeraa uguna ceebta badnaa ee soo mara badda Yurub,” ayay Mediterranea ku soo qortay Twitter.
Waxay ku soo beegantay arrintani xilli Giriiggu la daalaa dhacayo in ka badan 12,000 oo muhaajiriin ah oo ku sugan Lesbos ka dib markii xerada qaxootiga ee Moria uu burburiyey dab.
Sida laga soo xigtay wadaha markabka Maersk Tankers, masuuliyiinta Malta waxay ka codsadeen shaqaalaha markabkani inay qaabilaan tahriibayaashan. Malta ayaa beenisay, waxayna sheegtay in badbaadintu ka dhacday meel ka baxsan dhulkooda.
Tani waxay horseeday is-faham, iyadoo Talyaaniga iyo Liibiya ay sidoo kale diideen inay qaataan kooxdan, ayuu yiri Maersk.
“Shaqaalaha waxay qabteen intii karaankooda ah si ay noloshooda u badbaadiyaan intii suurtagal ah laakiin maahan shuruudo aad qofna u bandhigi karto muddadan dheer,” agaasimaha farsamada Maersk Tommy Thomassen ayaa u sheegay BBC.