Gabadh laga soo tuuray dabaq ku yaalla Muqdisho ka dib markii la kufsaday

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo Argagax leh oo shalay ka dhacday degmada Waabari ee gobolka Banaadir ka dib markii gabadh loo geystay fal kufsi ah ka dibna laga soo tuuray dabaq.

Inkastoo wali aysan laamaha Ammaanka dowladda Soomaaliya aysan faahfaahin ka bixin haddan eheladda gabadha oo lagu Magacaabo  Xamdi Maxamed Faarax oo katirsan ardayda sanadkan ka qalin-jibeyey dugsiyada sare ee magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay dhacdadan.

Saaka ayaa lagu aasay Muqdisho, waxaana eheladda Xamadi ay dalbanayaan in ay caddaalad helaan.

Gacal Xuseen oo ah gabadha Abtigeed ayaa Risaala u sheegay in xarunta CID ay u xaqiijiysay in loo geystay gabadha fal kufsi ka dibna laga soo tuuray dabaq ku yaalla degmada Waabari.

Xamdi Maxamed Faarax ayaa daganeyd degmada Dayniile gaar ahaan Xaafadda Raadeerka.