Dowladda oo bilaawday baaritaanada Shaqaaqo ka dhacday Beledweyne

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Manta degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ka bilaawday shaqaaqo soo laab laabatay oo dhowr jeer Ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dhex-martay degmadaasi Beled-Xaawo.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Janeraal Cabdullaahi Buule Kameey ayaa sheegay in maanta Maxkamadda ay bilaawday baaritaanka Ciidamada wada dagaalamay,isla markaana la maxkamadeeynayo.

Waxaa uu sheegay in Cadaalad al helo ay sahli karto in Nabad lagu wada noolaado,waxaana uu sheegay in dhamaan Ciidamada kala duwan ee dowladda uu mid kasta saaran yahay waajibaad qaran.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Ciidamada ku sugan Gobolka Gedo gaar ahaan Beled xaawo looga baahan yahay inay ka naabd galaan dadka Shacabka ah ee taageerada u sameeyay.

Waxaa uu sheegay in marnaba aan la ogolaan doonin in Saraakiisha Ciidamada oo ku sugan Magaalada Beled-Xaawo in dushooda lagu dagaalamo, waxaana uu sheegay in Maxkamadda ay tallaabo ka qaadi doonto Ciidamadii dagaalamay.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa degmada Beled-xaawo dhowr jeer uu dagaal ku dhex-maray Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda gaar ahan kuwii ay geysay degmadaas, taas oo ay walaac ka muujiyeen dadka Shacabka ah.