Siihayaha Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay qorshaha Wasaaradda kaga aadan ardeyda wax ka barata iskuulaadka Puntland ee aan ka qeyb qaadan imtixaanka shahaadiga ah.
Waxaa uu markale Wasiir Goodax Barre sheegay in marnaba aysan dhici karin in Shahaado la siiyo Arday aan gelin imtixanka dowladda, isla markaana Ardayda Puntland aan la siin doonin Shahaadada Dugsiga Sare.
Madaxda Sare ee Dowlad Goboleedka Puntland ayuu ugu baaqay in aan la siyaasadeyn imtixaanka iyo waxbarashada Carruurta, isaga oo sheegay in uu aad uga xun yahay in Ardayda Puntland aysan helin Shahaadada.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in sida ay doonayaan madaxda Puntland ee la xiriirta qaadista imtixaanka ay wax badan oo kale meesha ka bixi doonaan uuna imaan doono tafaraaruq, waxaana uu Puntland ugu baaqay inay qaataan Buugaagta Manhajka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada bixineyso.



