Dagaal ka dhacay Shabeellaha Hoose & khasaaro ka dhashay

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degaannada Sabiid & Caanoole oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka Afgooye, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay dagaalkaas.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Millateriga Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen inay ka hortageen weerarka kaga yimid Al-Shabaab,isla markaana ay nolosha ku qabteen qaar kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Saraakiisha waxaa ay sidoo kale sheegeen inay heleen xogta ku saabsan weerarka kaga yimid Al-Shabaab,isla markaana dagaal kooban ay la galeen ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno degaannada Sabiid & Caanoole oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan, balse Ciidamada Dowladda ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan Xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab ee soo weeraray.