Donny van de Beek oo laga saaray kooxda Ajax

Donny van de Beek ayaa laga saaray kooxda Ajax ee wajahday Eintracht Frankfurt ciyaar saaxiibtinimo ka dib markii ay soo kordheen xiisaha kooxaha Manchester United iyo Barcelona.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Netherlands ayaan wax door ah ka ciyaarin kulanka saaxiibtinimo, tababaraha Ajax Eric ten Hag ayaa qiray ka hor ciyaarta: “Runtii waxaa jira arimo ka hor istaagaya inuu ciyaaro.

Ronald Koeman ayaa lagu soo waramayaa inuu xiiseynayo inuu geeyo Bacelona xiddiga ay dhalashada wadaagaan, kaasoo uu soo maamulay waqtigiisa Holland.

Tan iyo markii loo magacaabay tababaraha Barcelona bishan, garoonka Nou Camp ayaa aad loola xiririayaa magacyada ciyaartooyda Holland oo uu kujiro Van De Beek, halka United sidoo kale xiiseyneyso 23 jirkaan.

Madaxa Ajax Edwin van der Sar ayaa yiri bishii Juun: “Waa iska cadahay in kooxaha sida Real Madrid iyo United ay xiiso u muujinayaan Donny van de Beek.”

Van de Beek ayaa u saftay 175 kulan shantii xilli ciyaareed ee lasoo dhafay kooxda heysata horyaalka Eredivisie, isagoo dhaliyay 41 gool.

United ayaan wali sameynin wax saxiix ah xagaagan.

Barcelona

Wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in weeraryahanka Liverpool Sadio Mane uu diyaar u yahay ku biirista kooxda Barcelona.

28 jirkaan reer Senegal ayaa ka niyad jabsay sharaf la’aantiisa shaqsiyeed ee kooxda Jurgen Klopp, sida ay qortay Mundo Deportivo.

inkasta oo uu qayb ka yahay weerarka ugu fiican adduunka oo uu la wadaago Roberto Firmino iyo Mohamed Salah haddana kuma faraxsana doorkisia Reds.

Mane wuxuu ku raaxeystay la shaqeynta macallinka cusub ee Barcelona Ronald Koeman markii labadooduba ay joogeen Southampton.

Sheekada ayaa tilmaameysa in Mane uu dareemayo in la iska indho tiray marka ay timaado ictiraaf Salah iyo kabtan Jordan Henderson, waxaana jiray waqti uu xumaa xiriirkiisa Klopp.

Wargeysku wuxuu rumeysan yahay in dhaq-dhaqaaq kasta uusan noqon karin mid toos ah iyadoo Mane ku dhawaad 107 milyan ginni lagu heli karo.