Madaxweyne farmaajo oo Magaca ka bedelay Magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Maanta ka qeyb-galay munaasad lagu xirayay wajiga Saddexaad ee Shirka magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in uu Magaca ka bedelay Magaalada Dhuusamareeb.

“Shirkii Dhuusamareeb2 waxaa la ii keenay soo jeedin la iyir magaaladaan waa a Taariikhi ah magaceduna waa magac ka duwan magacyada magaalooyinka Soomaalida marka si aan u casriyeyno magaca magaalada waxaa madaxweynuha iyo Masuuliyiin badan iga codsadeen inaan ugu dhawaaqo magac kale oo la yiraahdo Samareeb”

Dad farabadan ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Go’aankaan uu qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Magacii Magaalada Dhuusamareeb u bedelay ( SAMAREEB)