Maxaa looga hadlaya kulanka Golaha Shacabka ee berri?

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa berri taariikhduna ku beegan tahay 12/8/2020 waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka.

Ajendaha kulanka beri ayaa ah Akhrinta 3-aad Hindise Sharciyeedka Qareennada Soomaaliyeed iyo Warbixinta Guddiga Dastuurka.

Xildhibaananada Golaha Shacabka ayaa Caawa lagu wargeliyay in berri uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay soo xaadiraan .