Kooxda Bavaria ayaa ugu cadcad inay kulankii xalay ka dib guushii 3-0 ee lugtii hore ee ka dhacday Stamford Bridge ka gaareen Chelsea, waxaana ay ku bilowdeen bilow fiican markii Lewandowski uu rigoore dhaliyay daqiiqadii 10aad kulankaan.
Weeraryahanka reer Poland ayaa markaasi ka dib u jeestay caawinta kooxdiisa isagoo goolka labaad ka caawiyay Ivan Perisic laba daqiiqo kadib.
Chelsea ayaa qeybtii hore ka carootay in la diiday gool uu dhaliyay Callum Hudson-Odoi iyadoo VAR ay goaamisay inuusan jirin goolkaas.
Si kastaba ha ahaatee, kooxda martida ah ayaa gool soo celisay bilowgii qeybta hore markii Tammy Abraham uu ka faa,iideystay qalad uu sameeyay Manuel Neuer.
Frank Lampard wiilashiisa ayaa horumar sameeyay dhamaadkii qeybtii labaad, laakiin Bayern ayaa halista ugu weyn laga filan karay markasta.
Ninka Bedelka ku yimid ee Corentin Tolisso ayaa goolka sadexaad dhaliyay ka hor inta uusan Madaxa ku afareyn Lewandowski taasoo ka dhigan in natiijada 7-1 isku celcelis ahaan kusoo gudubtay kooxda reer jarmal.
Bayern ayaa haatan indhaha ku heyn doonta kulanka wareega sideed dhamaadka oo ay Barcelona kula ciyaareyso Lisbon shanmaalmood kadib Jimcaha 14ka Ogosto.
Robert Lewandowski oo dhaliyay goolkiisii 13aad ee CL xilli ciyaareedka ayaa mar kale muujiyay sababta uu uga mid yahay weeraryahanada ugu fiican adduunka.
Weeraryahanka reer Poland oo laba gool iyo hal cawin sameeyay xalay waxaa loo doortay xiddigii ugu fiicnaa garoonka.
Rikoorada
Guul darradii 7-1 ee Chelsea ka soo gaartay Bayern Munich ayaa aheyd tii labaad ee ugu xumeyd koox Ingariis ah soo gaarta taariikhda Champions League, ka dib guuldaradii 10-2 ee Arsenal ka soo gaartay wareega 16ka xilli ciyaareedkii 2016/17, markasoo isla Bayern Munich ka horyimaadeen.
Chelsea ayaa laga dhaliyay 79 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkaan 2019/20, celcelis ahaan 1.44 ayaa loogu shbay ciyaar kasta – waa kii ugu xumaa tan iyo xilli ciyaareedkii 1990/91.
Lewandowski wuxuu ku lug lahaa dhammaan toddobadii gool ee Bayern Munich ka dhalisay Chelsea Champions League xilli ciyaareedkaan (3 gool, 4 caawiye). Wuxuu ahaa ciyaariyahankii ugu horreeyay ee diwaangaliya 3 + gool isagoo wajahaya hal koox UCL kadib Luis Figo 2004/05 vs Roma.
Lewandowski ayaa dhaliyay 53 gool 44 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, isagoo shabaqa soo taabtay 36 ka mid ah 44dii kulan oo uu ciyaray.



