Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa ka digay in xilligaan la fashiliyo qabsoomida Shirka lagu balan san yahay in Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada uu 15 Bisha Agoosto uga furmo Magaalada Dhuusamareeb.
Waxaa uu sheegay in wadanka uu ku jiro xaalad xasaasi ah oo kala guur ah,isla markaana xaalada dalka kajirta looga bixi karo in la fuliyo qabsoomida shirkii lagu balamay ee Dhuusamareeb oo ay taageersan yihiin Saamileyda Siyaasadeed ee dalka iyo Beesha Caalamka.
Waxaa uu sheegay in Villa Soomaaliya ay wado qorsho ay ku dooneyso inay ku fashiliso Shirkaas,si ay u helaan muddo kororsi,waxaana uu sheegay in marnaba aan laga aqbaleyn madaxtooyada muddo kororsi si dalka jahwareer iyo khalalaaso siyaasadeed la geliyo.