Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdi Jaabiri ayaa sheegay in fursada wadanka Soomaaliya uu Maanta heysto kaliya ay tahay in qof walba uu xaqiisa helo,isla markaana doorweyn uu ka qaato arrimaha Soomaaliya.
Cabdiraxmaan Jaabiri oo ka hadlayay munaasad ka dhacday Muqdisho ayaa sheegay in laga soo gudbay Siyaasad ay Afar qof wada gaaraan,isla markaana aan la aqbaleyn taasi iyo wax lamid ah, hayeeshee at muhiim tahay in qof walba uu door ku yeesho howlaha socda.
“Qofna qof masii heysan karo,siyaasad hadii ay ahaan jirtay mid ay Afar qof ka hadlaan waxaasi waa laga gudbay oo majirto siyaasad jeeb lagu shuban karo, waxaana u baahanahay siyaasad ku dhisan wax wada qabsi ayuu yiri” C/raxmaan Jaabiri.
Waxaa uu sheegay in dhibaatooyinkii ka dhacday dalka ay adag tahyay in la xuroobo,isla markaana ay dalka ka dhacdo doorasho loo wada dhan yahay oo ay kasoo muuqdaan dad Aqoonyahan ah oo waxtar u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Hadalka Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiarxmaan Maxamuud Cabdi Jaabiri ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Baarlamaanka ay xilkii ka qaadeen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ,isla markaana la filayo inay isbedelo siyaasadeed ka dhacaan dalka.



