Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya guri dabaq ah oo kusoo dumay degmada Xamarweyne.
Guriga soo dumay ayaa ahaa Guri dhismihii hore ah oo ku yaalla xaafad ka tirsan Degmada Xamarweyne ee Gobolkaan Banaadir.
Goobjoogayaal ayaa Risaala u xaqiijiyay in guriga soo dumay uu ka koobnaa saddex dabaq, waxaana deganaa dad ka kooban Qoysas.
Kooxda Gurmadka deg deg ah ee Gobolka Banaadir iyo dadweyne badan ayaa ku sugan Guriga soo dumay, isla markaana waxaa ay wadaan dadaalo lagu soo sama bixinayo dadkii halkaas ku waxyeeloobay.



