Lionel Messi oo ku guuleystay kabta dahabka La Liga

Lionel Messi ayaa ku guuleystay markiisii todobaad kabta dahabka La Liga – iyo markiisii afaraad oo isku xigta – ka dib markii uu labo gool ka dhaliyay kulankii ay Barcelona guusha ka gaartay Alaves maalintii ugu dambeysay Laliga.

Kabtanka kooxda Barca ayaa ku dhameystay 25 gool, isagoo afar ka sareeya weeraryahanka Real Madrid Karim Benzema.

Ciyaartu muhiimad weyn ma lahayn maadaama Real ay hanatay horyaalnimada La Liga khamiista.

Messi ayaa shabaqa gaaray laba jeer iyadoo da’yarka Ansu Fati, Luis Suarez iyo Nelson Semedo ay dhaliyeen goolasha kale.

Riqui Puig, Messi iyo Arturo Vidal ayaa dhamaantood birta ku dhuftay kubado qaali ah ka hor inta Fati uusan shabaqa soo taaban.

Tani waa markii ugu horreysay ee gooldhalinta La Liga lagu qado wax ka yar 30-gool tan iyo gooldhaliyihii Mallorca Daniel Guiza 12 sano ka hor sidaas sameeyay.

Barca, oo kulankaan ka xiga martigalineysa kooxda Napoli lugta labaad ee wareega 16ka Champions League 8da Ogosto, iyadoo kulankii hore barbaro 1-1 ah ay ku galeen Italy.