Goolhayaha kooxda Man United David de Gea ayaa u adkaystay riyooyinka murugo leh ee ka dhacay Wembley iyada oo chelsea ay guushu ku raacday 3-1 sla markaana ay gareen finalka FA Cup-ka oo ay la ciyarayaan kooxda Arsenal.
Tababaraha United Ole Gunnar Solskjaer ayaa keydka dhigay goolhayihiisii tartankaan usoo dagaalamay ee Sergio Romero isagoo kalsooni badan ku qabay De Gea – laakiin xiddiga qibrada leh ee reer Spain ayaa sameeyay labo qalad oo naxdin leh oo siiyay Chelsea labo gool.
De Gea wuxuu sameeyay isku dayo adag si uu ula macaamilo xawaaraha Olivier Giroud qeybtii hore ee ciyaarta ka hor inta Mason Mount 20-yardmeel ujirta goolka uusan ka dhalin gool kale.
Waxqabadka wanaagsan ee Chelsea ayaa si buuxda usiiyay gool iyadoo murugada United ay sii korartay marki kabtanka Harry Maguire uu ku leexiyay goolkiisa karoos uu soo dhigay Marcos Alons.
Kooxda Frank Lampard ayaa si buuxda gacanta ugu heysay ciyaarata markii ugu horeysay ilaa markii ugu dambeysay waxaana ay si dhameystiran u soo gabagabeeyeen 19kii kulan oo Manchester United aan laga badinin tartamada oo dhan.