Wasaaradda Caafimaadka dowlada Soomaaliya ayaa faahfaahisay Wararkii ugu dambeeyay Cudurka COVID 19 ee Soomaaliya.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in maanta guud ahaan Cudurka laga helay 8 ruux oo ku sugan Muqdisho, islamarkaana aysan jirin kiisas kale oo laga helay maamul goboleedyadda.
Warbixinta kasoo baxday Wasaaradda Caafimaadka ayaa siddaan u qorneyd:
12 July 2020: Warbixinta COVID-19 ee Soomaaliya.
> Laga Helay: 8
> Benadir: 8
> Lab: 8
> Dhedig: 0
> Bogsasho: 42
> Dhimasho: 1
——————————–
> Tirada Guud Laga Helay: 3,059
> Bogsashada Guud: 1,306
> Dhimashada Guud: 93



