Ciidamo la sheegay in ay ka tirsan yihiin dowladda Soomaaliya, islamarkaana ilaalo u ahaa Mid ka mid ah Golaha Wasiiradda ayaa maanta Muqdisho ku dilay qof Shacab ah.
Maxamed Cabduqaadir oo ka tirsanaa shaqaalaha Maqaayadda Zaytuuni oo Muqdisho ku taalla ayaa lagu dilay qaybta Tre-piano ee Waddada Maka Almukarrama.
Dilka Maxamed ayaa yimid ka dib markii ay ka shakiyeen gaariga uu watay Ciidamo la sheegay in ay ilaalo u ahaayeen Wasiirka Caddaaladda dowladda Soomaaliya.
Dad goobgayaal ayaa Risaala u xaqiijiyay in Ciidankii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen.
Laamaha Ammaanka dowladda Soomaaliya wali faahfahin kama bixin dilka loo geystay Maxamed cabdulqaadir.



