Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaan kulan la qaatay Guddoonka Aqalka Sare ee dalka.
Mudane Hassan Shiekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Guddoonka Aqalka Sare dedaalka ay ugu jiraan sidii loo heli lahaa watashi ballaaran oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleeyada.
Waxa ay sidoo kale iska waraysteen xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka iyo wadatashiyada quseeya.
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare Abshir Bukhaari ayaa mudane Xassan Sheekh Maxamuud uga mahadceliyey tageerada iyo talooyinka muhiimka ah ee ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka.



