Madasha Xisbiyadda Qaran oo caddeysay Mowqifkeeda Shirka ka dhacaya Dhuuusamareeb

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo dhoweeyay Shirka dowlad goboleedyada ku yeelanayaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Madasha ayaa  sheegtay inay ka xun yihiin baaqashada kulankii dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ay ku balansanaayeen Muqdisho 5-8 July, taasoo caddeyn u ah bey yiraahdeen fashilka hoggaanka sare ee dalka.

Madasha ayaa nasiib daro iyo fashil ku tilmaamtay in Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ka maqan yihiin Shirka ka dhacaya Dhuusamareeb.

“Ka maqnaashaha hoggaanka dalka ee shirka ka dhacaya Dhuusamareeb waxaa ay muujineysaa ifafaallo aan wanaagsaneyn, Madasha XQ waxay kula dar-daarmeysaa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay u istaagaan gudashada waajibaadka ka saaran howlaha Dastuuriga ah ee suurtogelin kara doorashooyin xor iyo xallaal ah, isla markaasna si nabad ah ku dhaca”. ayaa lagu yiri War murtiyeedka Madasha Xisbiyada Qaran.