Madaxweyne Deni oo Amar-siiyay Guddiga Amniga Gobolka Mudug

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga Magaalada Gaalkacyo, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka Guddiga Amniga ee Gobolka Mudug.

Kulanka oo looga hadlay Amniga Gobolka Mudug iyo guud ahaan Puntland, waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Taliyeyaasha Guud ee Ciidamada Daraawiishta iyo Booliiska Puntland, La taliyeyaasha Madaxweynaha ee dhinaca Amniga, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Xildhabaano qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha ee Gaalkacyo ku sugan.

Madaxweyne Deni ayaa faray Guddiga Amniga Gobolka Mudug inay dardar geliyaan howlaha lagu sugayo Amniga Gobolka Mudug oo falal Amni darro ka dhaceen.