Real Madrid & Barcelona oo guulo waaweyn gaaray

Sergio Ramos ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ciyaar labaad oo isku xigta iyadoo Real Madrid ay garaacday Athletic Bilbao si ay ugu sii dhawaadaan hanashada horyaalka La Liga.

Ramos ayaa rigoore ku tuuray goolka sida uu sameeyay khamiistii oo kale kulankii Getafe – ka dib markii Dani Garcia uu qalad ku galay Marcelo taasoo ugu dmabeyn ay go’aamisay VAR.

Wuxuu dhaliyay shan gool 7 kulan oo uu ciyaaray tan iyo intii dib loo bilaabay ciyaaraha.

Kooxda difaacaneysa horyaalka ee Barcelona ayaa farqiga kusoo celisay afar dhibcood markii ay 4-1 kaga badiyeen Villarreal xalay.

Guushii ay Real Madrid ka gaartay Athletic Bilbao waxa ay aheyd ciyaar dhowr fursadood oo goolal lagu dhalin karay labada koox lumiyeen, iyadoo Thibaut Courtois uu sameeyay hal badbaadin oo kaliya.

Courtois ayaa noqday goolhayihii ugu horreeyay ee 17 kulan shabaqa ilaaliya Real hal xilli ciyaareed oo La Liga ah tan iyo Francisco Buyo 1994-95.

Kooxda Zinedine Zidane ayaa kaliya u baahan inay guuleysato seddex ka mid ah afarta kulan ee hartay si ay u xaqiijistaan horyaalkoodii labaad ee La Liga tan iyo 2012.

Dhinaca kale Barcelona ayaa sii nooleysay rajadeeda naadirka ah ee La Liga ka dib guushii ugu fiicneyd ooay ka gaareen Villarreal.

Waxay hoggaanka u qabteen horraantii ciyaarta markii Pau Torres uu si qaldan isaga dhaliyay karoos uu keenay Jordi Alba laakiin Gerard Moreno ayaa u barbareeyay Villarreal.

Lionel Messi si qurux badan kubada ugu qaatay qadka dhexe ka hor inta uusan quudin Luis Suarez – kaasoo dhakliyay goolka labaad- kabtanka Barca ayaa markaas dib gool kale ka caawiyay Antoine Griezmann, kaasoo dhaliyay gool cajiib ah.

Ansu Fati ayaa dhaliyay dabayaaqadii ciyaarta goolka afaraad ee Barcelona.

Saddexda hore ee Barca ee Messi, Suarez iyo Griezmann ayaa si buuxda u muujiyay mid ka mid ah qaab ciyaareedkoodii ugu fiicnaa bilihii dhawaa.

Messi ayaa haatan helay 19 caawin oo La Liga ah xilli ciyaareedkan, waana ciyaaryahanka ugu badan ee ciyaaryahan kasta tan iyo xilli ciyaareedkii 2010-11.

Barca ayaa afar dhibcood ka dambeysa Real Madrid iyadoo afar kulan uu ka haray xili ciyaareedka, waxaana ay u baahan yihiin ugu yaraan laba jeer in ay dhibco lumiyaan Madrid si ay horyaalka ku guuleystaan.

Villarreal ayaa guuleysatay shan kulan halka mid kale ay barbaro gashay tan iyo markii La Liga dib loo bilaabay.