Wararka ka imaanaya magaalada Buuhoodle ayaa sheegaya in faah faahino dheeraad ah ay kasoo baxayaan dagaal galabnimadii maanta ka dhacay degmada Horufadhi oo qiyaastii u jirta 50 KM magaalada Buuhoodle.
Dagaalkani oo u dhaxeeyey labo malayshiyaad beeleed oo kasoo wada jeeda gobolka Cayn ayaa sababay dhimashada ilaa 4 qof iyo dhaawacyo kala duwan.
Inkastoo aysan jirin cid kamid ah odayaasha dhaqanka oo kala dhex gashay labada malayshiyaad ayaa waxaa wararka qaarkood ay sheegayaan in malayshiyaadka dagaalamay qaybtood ay is hor taag ku sameeyeen ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland si ay u kala dhex galaan.
Khasaaraha ka dhashay dagaalka Horufadhi marka laga yimaado waxaa jira dhaq dhaqaaqyo kale oo ay wadaan malayshiyaadkii dagaalamay, kuwaas oo sababi kara colaad hor leh iyo dagaalo ka dhaca deegaanka Buuhoodle.



