Puntland oo Gaalkacyo ka bilowday diwaangalinta Ciidanka Booliska

Gudigga dib u habaynta Ciidammada  Puntland oo maalmihii lasoo dhaafay ku suganaa xarunta gobolka Mudug ee galkacyo ayaa bilaabay diiwaangalinta Ciidammada Booliska oo ay kabilaabeen Taliska qeybta gobolka Mudug.

Gudiga waxaa hoggaaminaayay Gudoomiyaha Golaha gudiga dib uhabaynta Ciidamada Mudane Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Amnig Mudane Cabdisamed Maxamed Galan iyo Taliyaha Ciidammada Daraawiishta Gen Yaasiin Cumar Dheere.

Diwaan galinta Ciidammada ayaa ah mid Casri ah ayna mari doonaan dhamaan Ciidammada ka hawl gala Gobolka Mudug ee isugu jira Daraawiishta iyo Booliska.

Gudiga ayaa horay ugu guulaystay in ay soo diwaan galiyaan Ciidammada ku sugan Gobolada kale ee maamulka Puntland.