Ajaanib laga helay Cudurka Corona virus degaanada Somaliland

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa faahfaahisay Warbixinadii ugu dambeeyay Cudurka Corona Virus ee degaanada Somaliland.

Baaritaanka 48kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey waa 169. Lix iyo Toban qof (16) ayaa laga helay xanuunka, 8 qof waa somalilanders iyo 8 qof oo ajaanib ah,Bukaanadan 15 qof waa rag, 1 qofna waa dumar.

Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:
(20jir ilaa 29jir = 1 qof)
(30jir ilaa 39jir = 5 qof)
(40jir ilaa 49jir = 5 qof)
(50jir ilaa 59jir = 3 qof)
(60jir ilaa 69jir = 2 qof)

Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeisa 7 qof iyo Berbera oo ah 9 qof

Waxaa geeriyooday hal qof oo rag ah oo deganaa Hargeysa, da’diisuna ahayd 80jir, taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan u dhimatay dalkeena Sagaal iyo Labaatan(29).