Soomaaliland ayaa soo bandhigtay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus,kuwaas oo 24-kii saac ee la soo dhaafay baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay Cudurka COVID-19.
War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay in la baaray 20 ruux,balse Cudurka laga helay 1 Ruux kaliya oo kamid ah dadkaas,taas oo ka dhigeysa in uu hoos u dhacay deegaannada Soomaaliland COVID-19.
Qof Cudurka laga helay oo rag ah ayaa ku nool Magaalada Hargeysa,waxaana Guddiga ay sheegeen in da’diisu tahay 39 Sano jir.
Majirin wax dhimasho ah oo uu sababay Cudurka COVID-19 deegaannada Soomaaliland 24-kii Saac ee la soo dhaafay,waxaana weli deegaannada Soomaaliland ka socda baarista Cudurka COVID-19.
Ugu dambeyn Guddiga waxaa ay sheegeen in tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga helay deegaannada Soomaaliland ay gaartay 711 Ruux 161 Qof ay ka bogsoodeen halka 28 Ruux ay u geeriyoodeen.