Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) iyo wafdi ballaaran oo uu hugaaminayo ayaa waxaa ay gaareen Magaalada Bacaadweyne ee Gobolka mudug halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen Boqolaal qof oo isugu soo baxay wadooyinka Magaalada .
Booqashada madaxweynaha ee Magaalada Bacaadweyne ayaa kusoo beegantey xili Magaaladu aysan wali kasoo kabsanin Wax-yeeladii ka dhalatey Daadad Ku dhuftay oo sababey burbur baaxad leh oo gaarey dhismayaasha Magaalada iyo dhimashada labo CarRuur ah.
Madaxweyne QOOR Qoor oo hadal kooban u jeediyay dadkii soo dhaweeyay ayaa uga mahad celiyay,waxaana la filayaa in saacadaha soo socda uu kulan la qaato Maamulka degaanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.



