Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Amniga Qaranka oo ku qabsoomay aaladda Internetka ayaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uga warbixiyey wadahadalladii Jabuuti uga furmay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.
Shirkan waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana lagu heshiiyey in shirkaas rasmiga ah uu degdeg u qabsoomo, iyada oo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu go’aaminayo goobta iyo wakhtiga shirka.
Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay kulanka Maanta dhex-maray Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada,kaas oo muhiim u ah xasiloonida Guud ee dalka Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Kulankaas,waxaana Qaramada Midoobay ay sheegtay in,isla markaana ay taageereyso kulankaas.
“Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweyneysay kulankii khadka Internet-ka ahaa ee maanta dhexmaray Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka – Qaramada Midoobay waxa ay ku ammaaneysaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ iyo madaxda dowlad Goboleedyada tallaabada muhiimka ah ee loo qaaday wada-hadalka joogtada ah ee ka dhexeeya daneeyeyaasha Soomaaliya ee looga hadlayo arrimaha ahmiyadaha qaranka, sida doorashooyinka, amniga iyo deyn cafinta.



