Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah oo hubeysan tiro ahaana lagu sheegay ilaa Afar ayaa waxaa ay isku dayeen inay dhac u geystaan goobo Ganacsi ay leeyihiin Soomaali tuulada Mayfiar ee Magaalada Johannesburg,hayeeshee waxaa la sheegay in burcadaasi la qabtay.
Kooxda Burcadda ah oo watay Gaari yar oo nooca raaxada ah ayaa waxaa la sheegay in laga shakiyay,taa soo keentay in Ganacsatada Soomaalida ah ay ku xoomaan,isla markaana ay nolosha ku qabtaan.
Wariye Cabdi Cabdi Xakiin Biif oo kamid ah Soomaalida ku nool Koonfur Afrika ayaa soo sheegaya in qabashada Burcadaasi ay sabab ahaayeen Soomaalida Mayfair kuwaasi oo dhawaan sameeyey (Security Team) si gaar ah ula shaqeeya Booliska iyo Laamaha Security-ga gaarka loo leeyahay ee ka jira Johannesburg.
Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa inta badan kooxaha burcada ah u geystaan Soomaalida falal isugu jira,dil, iyo in mararka qaar la bobo hantidooda



