Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, oo la hadlayay qaar kamid ah Shacabka ku nool degaanka Xero-dhagaxleey ee Gobolka Mudug ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan Galmudug & Dekadda Hobyo.
Waxaa uu u balan qaaday Madaxweyne Qoor Qoor dadka deegaanka in ay helayaan adeegyada asaasiga ah ee ay baahanyihiin sida biyo nadiif ah iyo waxbarasho.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Galmudug ay tahay mid horay u socotay,isla markaana ay tashatay,waxaana uu ugu baaqay inay qeybtooda ka qaataan dhismaha dekadda Hobyo.
Uga danbeyntii Madaxweynaha ayaa bogaadiyey sida dadka deegaanku ugu heellanyihiin tacabka iyo wax soo saarka isla markaana kula dardaarmay inay xil iska saaraan daryeelka deegaanka iyo ka hortaga xaalufinta dhirta.



