Kooxo hubeysan ayaa waxaa la sheegay inay Maanta Isgoyska Bakaaraha ee degmada howl-wadaag ee gobolkan Banaadir ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in rag ku hubeysnaa bustoolado ay toogteen askariga oo ku labisnaa Dareska Ciidamada xilli Isgoyska Bakaaraha uu ahaa mid mashquul badan.
Sidoo kale goobjoogayaasha waxaa ay sheegeen in raggii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta ka baxsadeem,hayeeshee meydka askariga ay goobta ka qaadeen Ciidamo kale oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn halka uu dilka ka dhacay.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in muddo ku dhow saacad ay Ciidamada joojiyeen isku socodka dadka iyo gaadiidka walow ay dib u fasaxeen,isla markaana xaalada ay si caadi ah kusoo laabatay.
Isgoyska Bakaaraha iyo meelo kamid ah ayaa waxaa horay siyaabo kala duwan loogu dilay Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya,iyada oo dadka ka dambeeyay dilalkaas ay goobta ka baxsadaan.



