Garsoorayaasha Qaban Doona Kulamada Premier League Ee Isbuucaan Oo La Shaaciyay

Premier League ayaa xaqiijisay garsoorayaasha dhexdhexaadin doonta kulamada wareega 30aad ee xilli ciyaareedka kaasoo bilaabanaya habeenka Jimcaha.

Mike Dean ayaa garsooraya kulanka ugu adag wareega 30aad oo ah Merseyside Derby markaasoo ay Liverpool ku guuleysan karto horyaalka haddii ay ka badiyaan Everton islamarkaana Arsenal ay habeen danbe oo Arbaco ah garaacdo Manchester City.

Anthony Taylor ayaa garsoore afaraad ka ah kulanka ka dhacaya garoonka Goodison Park maalinta Axada.

Kulanka kale ee adag ee wareega 30aad ee xilli ciyaareedka Premier League waa kan u dhaxeeya habeenka Jimcaha kooxaha Tottenham iyo Manchester United.

Premier League ayaa u magacowday kulankaan inuu dhexdhexaadiyo garsoora Jonathan Moss.

Andre Marriner ayaa ah garsooraha afaraad ee kulanka ka dhacaya garoonka Tottenham Hotspur Stadium.

Kulanka kale ee Jimcaha dhacaya ee u dhaxeeya Norwich City iyo Southampton waxaa garsoore ka noqon doona Kevin Friend.

Kulanka Sabtida ee u dhaxeeya Watford iyo Leicester City ee ka dhacaya Vicarage Road waxaa garsoore ka ah Craig Pawson.