War kasoo baxay Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sharci darro loogu tilmaamay qoraalkii dowladda Soomaaliya kasoo baxay ee lagu sheegay inay Axmed Madoobe u aqoonsatay Madaxweynaha KMG ah ee Jubbaland Axmed Madoobe muddo xileedkiisana uu yahay laba sano.
Warka kasoo baxay Madaxtooyadda Jubbaland ayaa lagu xusay uu yahay mid kasoo horjeeda Dastuurka dalka, islamarkaana Jubbaland aysan aqbali doonin.
Jubbaland ayaa sidoo kale sheegtay in Muddo xileedka Madaxweynaha Jubbaland uu yahay Muddo 4 Sano ah, islamarkaana uu dhameysan doona sidda ku xusan dastuurka Jubbaland.
Jubbaland waxay taageero u muujisay Aqalka Sare dadaalka ay ku jiraan doorashada Soomaaliya in waqtigeedii ay ku dhacdo, waxaana sidoo kale ay taageertay Guddigii dhawaan loo Magacaabay dhexdhexaadinta maamul goboleedyadda iyo dowladda dhexe.




