Cabdi Xaashi C/llaahi Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa magacaabay Guddiga Isu-keenista Madaxda Labada Heer dowladeed ee Federaalka iyo dowlad Goboleedyada, kaddib war saxaafadeed uu caawa soo saaray.
Guddigan ayaa ka shaqeyn doona isu keenista Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, iyagoo diyaarin doona shir looga arrinsanayo hannaanka lagu geli doono doorashooyinka Qaranka 2020/2021, si loo helo hab iyo hannaan raalli la isaga yahay oo doorashada lagu galo.






