Ilo ku dhow dhow qoyska madaxweynihii geeriyooday ee Burundi ayaa xaqiijiyay in dhimashadiisa ay daba socotay kaddib markii uu ku dhacay cudurka Covid-19.
Warar laga soo xigtay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Burundi oo shaacinaya in Pierre Nkurunziza uu la xanuunsanayay coronavirus.
Xaaskiisa oo uu cudurka ku dhacay ayaa xilliga ay geeridiisa timid lagu daweynayay waddanka Kenya.
Warbaahinta SOS oo arrintan daaha ka qaadday ayaa dib u eegis ku soo sameysay dhammaan dhaqdhaqaaqyadii uu sameynayay madaxweynaha, ka hor inta aan lagu dhawaaqin dhimashadiisa.
Dowladda Bujunbura ayaa horaantii isbuucan sheegtay in Pierre Nkurunziza uu wadnaha istaagay, iyadoo aan ka hadlin inuu fayraska qabay iyo inkale.
Nkurunziza ayaa la soo tabiyay inuu sahashanayay khatarta cudurka Covid-19, isagoo amar ku bixiyay in la sameeyo ol’olaha siyaasadeed iyo doorashadii xigtay ee uu ku damacsanaa inuu xilka iska wareejiyo.



