Klopp xiise noocee ah ayay u qabtaa kooxdiisa Werner?

Jurgen Klopp ayaa sheegay inay Liverpool laheyd bartilmaameedyo waaweyn oo suuqa kala iibsiga ah, isagoo ku sifeeyay Timo Werner iyo Kai Havertz ciyaartoy waa weyn.

Liverpool ayaa si xoogan loola xiriirinayay weeraryahanka RB Leipzig Werner iyo xiddiga kooxda Bayer Leverkusen Havertz bilihii dhawaa.

Laakiin wararka ayaa soo jeedinaya inay seegeen labadaas xiddig, iyadoo Werner uu ku dhow yahay inuu ku biiro Chelsea halka Havertz la sheegay inuu qarka u saaran yahay inuu u dhaqaaqo Bayern Munich.

Tababaraha Liverpool Klopp ayaa ku faraxsan inuu aqoonsado tayada ciyaartooydaas markii uu kasoo muuqday Sky Germany.

Laakiin wuxuu sharraxay dhibaatada coronavirus in ay sameysay qorshahooda suuqa hogaamiyaasha Premier League

Klopp ayaa yiri: “Ciyaartoy badan oo wanaagsan ayaa ka jira adduunkan. Timo Werner waa ciyaaryahan weyn, Kai Havertz waa ciyaaryahan kale oo weyn.

“Waqti sax ah, fursad uma helin wax walba waa inay lahaadaan waqti Lix ama todoba usbuuc kahor ma aanan ogeyn inaan mar kale ciyaari karno sanadkaan.

“Hadaanan ciyaari laheyn qeybta labaad ee xilli ciyaareedka, waxaan ka fikiri laheyn wax badan, ‘ok, goormaad runtii mar kale kubada cagta ciyaari kartaa waa su,aal markasta aan is weydiinayay?’

Waxaan u dhaqmeynaa sidii wax walba oo horeyba loo xaliyay. Wax xal ah looma hayo waqtigaa sameynta suuqa iyo dhaqaala darada Carona.

Waxkasta oo kale waa inaan aragnaa waqtiga ay dhacayaan. Ma iska dhaadhicin karno hadda in wax waliba ay hagaagayaan mustaqbalka.

Isagoo ka hadlayey saameynta ay ku yeelan karto dhaqaalaha kubada cagta Carona, Klopp ayaa hadalkiisa raaciyay: “Waxaa England ka jira warar badan oo xan ah oo ku saabsan cidda Manchester United ay dooraneyso, Chelsea ay dooran doonto.

“Haddii aad dooneysid inaad si dhab ah u qaadatid ganacsiga suuqa waa inaad la fakirtaa wax badan.

Xilligan la joogo, naadiyada oo dhami waxay lumin doonaan lacag. Daawadeyaasha la’aantood, waa inaan dib u bixinno tikidhada mana iibin doono wax tikid ah ilaa sannadka dambe.

Qeyta VIP-da ilaa qeyb kasta oo garoonka ah cidi masoo fariisan doonto, waxayna taas sabab unoqon kartaa dhaqaale xumi kale.

Waxaan kala hadlaynaa ciyaartoyda sida mushaarka looga joojin lahaa iska daa inaan iibsano ciyaaryahan ku kacaya 50-60 milyan ginni, waa inaan ka fakirnaa wax badan.