Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo Xoghayaha Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Maxamed Cabdulwahaab Cabdullaahi oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa cambaareeyay tallaabada saxaafadda madaxa bannaan oo maanta lagu diiday ka qeyb galka Furitaanka kalfadhigii ugu danbeeyay ee Baarlamaanka.
Waxa ay sheegeen in maanta laga horjoogsaday Warbaahinta Madaxa Banaan in ay ka qeyb galaan oo si xaqiiqo ah usoo tabiyaan Wararka ku saabsan furitaanka Kalfadhiga labadda Aqal ee baarlamaanka.
Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) Cabdalla Axmed Muumin ayaa sheegay in aysan jirin sabab loogu diidi karo in Warbaahinta Madaxa banaan ay soo tabiyaan Kalfadhiga labadda Aqal.
Waxaa uu sidoo kale tilamaamay in haddii la doonaayo in xadido dadka imaanaya goobta aan la waceen ku dhawaad 500 oo ruux oo ka qeyb galay Furitaanka Labadda Aqal ee baarlamaanka.
Xoghayaha Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Maxamed Cabdulwahaab Cabdullaahi ayaa sheegay in tahay wax laga xumaado in Kalfadhigii ugu dambeeyay ee xildhibaanada oo maanta furay Madaxweyne Farmaajo oo laga heli lahaa xog ay u baahan yihiin bulshada Soomaaliyeed in la hor istaago.
Ururadda ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ugu baaqay in aysan mar dambe u laaban Caburinta Warbaahinta ee ay qeyb ka tahay in laga hor istaago Xarumaha dowladda.
Waxaa xusid mudan in hadalka Ururada Warbaahinta ka dib loo ogolaaday Qaar ka mid ah Warbaahinta Madaxa Banaan oo waliba aad u kooban.
Waxaa sidoo kale xusid mudan in Bishii Oktoobar ee sanadkii la soo dhaafay Xildhibaanada Golaha Shacabka maamulkooda uu joojiyay in warbaahinta madaxa-bannaan ay soo tebiyaan fadhiyadooda.
Horay Madaxtooyadda Soomaaliya iyo s xarumo kale oo dowladeed ayaa qaaday tilaabadda ay qaadeen Xildhibaanada labadda Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ee ah in Warbaahinta Madaxa banaan laga horjoogsado tabinta Wararkooda gaar ahaan furitaanka kalfdhiga.