Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay inay xal buuxa ka gaarto dagaal beeleedyada kusoo laab laabtay deegaano ka tirsan Maamulkaas.
Waxaa uu sheegay in Jubbaland aysan marnaba aqbaleyn in dad ay dad kale ay ku duulaan oo ay dhiigooda baneystaan, iyaga oo isku heysta dhulka baaxada weyn ee ku yaalla deegaannada dowlad goboleedka Jubbaland.
Axmed Madoobe, isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in dhulka dhowr jeer la isku qabsaday uu yahay mid dadka oo dhan ku filan,balse ay Jubbaland waajib ku tahay in dad horleh ay dhigooda iska daadiyaan.
Hadalkaan ayaa Madaxweynaha Jubbaland waxaa uu ka sheegay shir lagu heshiisiinayay laba beelood,kaas oo uu kusoo xiray Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.