Dowladda oo dalka kusoo celineysa Soomaali ku xayiran Kenya

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa waxaa ay qaban qaabineysaa wajiga labaad oo dalka loogu soo celinayo Soomaalida ku xayiran dalka Kenya,kuwaas oo uu saameeyay xayiraada lagu soo rogay duulimadyada Caalamiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa sababo la xiriira Cudurka COVID-19 waxaa ay joojisay duulimadyada Caalamiga ah iyo kuwa Gudaha marka laga reebo kuwa gargaarka sida si looga horago faafitaanka Coronavirus.

Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Nairobi ayaa shaacisay in dadka doonaya inay Soomalaiya kusoo laabtaan ay la xiriiraan xafiisyada Shirkadda Daalo,si ay iskaga diiwaangeliyaan dalka Soomaaliyana dib loogu celiyo.

Sidoo kale Safaarada ayaa waxaa ay shuruud ku xirtay dadka doonaya inay Soomaaliya ku laabtaan,taas oo ah in qofka uusan qabin cudurka COVID-19 iyo inuu haysto ticket. Waqtiga kama dambaysta ah iyo faahfaahin kalena ay la xiriiraan Xafiisyada Shirkadda Diyaaradaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan Magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe waxaa ay kusoo celisay 11 Ruux oo kamid ahaa dadkii ku xayirnaa dalka Kenya iyo sidoo kale 117 qof oo mawaadiniin Soomaaliyeed ah kuwaas oo muddooyinkii dambe ku xayirnaa gudaha Pakistan.