Dowladda Soomaaliya oo dalka kusoo celisay Muwaadiniin ku xayirnaa Pakistaan

Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka Pakistan ayaa maanta dalka ku soo celisay 117 qof oo mawaadiniin Soomaaliyeed ah kuwaas oo ku xayirnaa dalka Pakistan muddooyinkaan dambe.

Garooonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo degtay diyaarad siday dadkaasi,waxana soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Pakistaan Khadiijo Maxamed Almakhsoumi ayaa dadaal badan ku bixisay sidii dadkaasi Soomaaliyeed ay dalkooda dib ugu soo laaban lahaayeen, iyada oo duulimaadyada Caalamiga ah ee Soomaaliya ay xayiran yihiin sababo la xiriira ka hortagga Cudurka Coronavirus.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan dalka kusoo celisay 114 ruux oo ku xayirnaa dalka Kenya,waxaana sidoo kale la filayaa in dhawaan muwaadiniin kale dalka lagu soo celiyo.