Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa Maanta ku geeriyooday Safiirkii Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Xamuud Samraan Al-Xuwayti,kaas oo la sheegay in uu xanuunsanaa.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeysay geeridii ku timid AUN Safiirkii Jaamacadda Carabta u fadhiyay Soomaaliya Ambassador Xamuud Al Xuweydi,sida lagu sheegay War-Saxaafadeed kasoo baxay War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta.
War-Saxaafadedka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in Xamuud Samraan Al-Xuwayti uu ka qeyb qaatay howlo farabadan oo lagu taageeray Soomaaliya,isla markaana uu ahaa diplumaasi ay dadka Soomaaliyeed la jeclaa horumar.
Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Wasaaradda Warfaafinta.
.




