Francisco Madeira” Axmed Madoobe wuxuu heshiis la gaaray mucaaradka kasoo jeeda Beeshiisa

Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya Amb, Francisco Madeira oo kamid ahaa Madaxdii hadallada ka jeedisay kulankii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday arrimo ay kamid yihiin xaalada Siyaasadeed ee Maamulka Jubbaland.

Danjiraha waxaa uu sheegay in hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam uu kaliya heshiis la gaaray mucaaradka kasoo jeeda Beeshiisa,hayeeshee loo baahan yahay in dhamaan Beelaha dega deegaannada Jubbaland uu xal la gaaro.

Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira waxaa uu sheegay in uu xaqiijinayo in weli la boohan yahay in lasii ambaqaado dib u heshiisiin dhab ah oo dhamaan deegaannada Jubbaland ka hirgasha lana qanciyo dhamaan Xubnaha mucaaradka ah.

23-kii Bishii April ee sanadkaan ayaa waxaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya heshiis ku kala saxiixday hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Xubnihii isbedel-doonka Jubbaland ee diidanaa doorashadii ka dhacday Magaalada Kismaayo,waxaana soo dhaweeyay heshiiskaas Beesha Caalamka.