Al-Shabaab oo War kasoo saaray qaraxa lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Mudug

Duhurnimadii Maanta ayaa waxaa qarax ismiidaamin ahaa lagu dilay Guddoomiyihii Maamulka Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland iyo qaar kamid ah ilaaladiisa,xilli ay kasoo baxayeen Xarunta Gobolka ee Magaalada Gaalkacyo.

Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday Mooto Bajaaj,isla markaana lagu dhuftay gaari uu watay Guddoomiyaha,waxaana halkaasi ku geeriyoday guddoomiyihii Gobolka Mudug iyo saddex kamid ah ilaaladiisa.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur,waxaana warar lagu daabacay baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab lagu sheegay in weerar ismiidaamin ahaa lagu dilay Guddoomiyaha.

Laamaha Ammaanka dowlad goboleedka Puntland weli wax faah faahin ah kama bixin qaraxa Maanta lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Mudug xilli uu ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.